3 qof oo lagu dilay Kashmiir

0
480

Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay ilaa saddex qof ku toogteen gobolka ay India maamusho ee Kashmiir.
Ciidamada ammaanka oo falkan iyo khasaaraha ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay ayaa ku eedeyay fallaago diiddan maamulka dowladda India ee Kashmiir.
Weerarka hore ayaa looga takhalusay nin caan ah oo iibiyo farmashiye laguna magacaabi jiray Makhan Lal Bindroo waxayna toogashadaasi ka dhacday magaalada Srinagar.
Qofka labaad ee ay dableydu dishay ayaa hareeraha waddada cunto ku iibinayay halka midka saddexaad uu ahaa taksiile.
Bayaanka booliska ka soo baxay ayaa tilmaamaya in dilalkaasi ay yihiin kuwo argagixiso waxaana hadda socdo baaritaano la xiriira.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda falalka lagu dilay saddexda qof ee gobolka Kashmiir