DHAGEYSO:Raila Odinga oo sheegay inay kordheen falalka musuqmaasuqa

0
503

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa walaac ka muujiyay inay sare u kaceen falalka wax isdaba marinta ee lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe laga doonayo inay xoojiso dagaalka ay kula jirto musuqa.
Xilli uu wareysi gaar ah siiyay idaacadda Chamgei FM ayuu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka xusay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta ay dadweynaha siinayaan lacago sida uu hadalka u dhigay lagu helay qaab aan habboonayn si loo doorto sanadka 2022-ka.

Sidoo kale waxaa uu walaac ka muujiyay deymaha shisheeye ee uu qaadanaya maamulka Jubilee .
Raila ayaa carrabka ku adkeeyay in xilligii dowladdii awood qaybsiga aan Kenya lagu lahayn amaah lacageed oo aad u sarreysa marka loo barbardhigo sida ay hadda xaaladdu tahay.