Golaha Midowga Musharrixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa war-saxafadeed ay soo saareen ku sheegay inay aad uga xun yihiin xadgudubka lagula kacay dadka Soomaaliyeed ee laga soo raafay magaalada Laascaanood.
Golaha oo fariin u diraya Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-banaanida ee Somaliland ayaa yiri “midowga musharraxiinta oo ka damqanaya ku xadgubka lagula kacay sharafka iyo hantida dadka qasabka lagu barakiciyey ayuu madaxda Somaliland ugu baaqayaa in ay falkaas ka fiirsadaan, degdegna u joojiyaan”
Midowga ayaa dhanka kale baaq u diray culimada, odayada dhaqanka, aqoonyahanka, indheergaradka iyo waxgaradka ka soo jeeda Somaliland.
Waxaa ay isla qoraalkaas ku xuseen in ay hor istaagaan falkaa gurracan ee dhaawacaya walaalnimada, ehelnimada iyo ummadnimada ka dhaxaysa dadka Soomaaliyeed.
Home Wararka Soomaaliya Golaha midowga musharrixiinta oo farriin kasoo saaray dadka Soomaaliyeed ee laga soo...