Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC ayaa maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court u gudbiyay dacwad.
Waxaa uu guddigu ka soo horjeedaa go’aankii maxkamadda sare iyo midda racfaanka ee lagu sheegay inuusan haysan kooram ku filan oo uu ku meel marin karay saxiixyadii ay shacabku ku taageereen qorshihii sharci beddelka ee BBI.
IEBC ayaa ku doodaysa in go’aamadaasi ay halis gelinayaan madax bannaanida dastuuriga ee uu guddigu leeyahay.
Waxaa doodda qayb ka ah in go’aammada aynan ku saleysnayn xeerarka wadanka u degsan.
Sidoo kale IEBC ayaa ka soo horjeesatay go’aankii maxkamadda ee ahaa in qorshaha BBI aan dadweynaha si buuxda looga qayb gelin waxaa ayna dalbatay in maxkamadda ugu sarreysa Kenya ay faahfaahin sharci ah arrimahan ka bixiso.