Baraha bulshada ee Facebook, Instagram iyo WhatsApp oo dib loo soo celiyay ka dib cillad ku timid

0
677

Waxaa si tartiib ah u soo hagaagaya isticmaalka baraha bulshada ee Facebook, Instagram iyo barta la isugu diro farriimaha degdegga ee WhatsApp ka dib markii galinkii dambe ee shalay ay cillad ku timid.
Cilladdan oo saacado jirtay ayaa lagu tilmaamay mid caalami ah.
Barta Facebook ayaa qoraal ay abaare 7:22 fiidnimo ee xalay soo saartay raaligelin kaga bixisay saameynta ka dhalatay cilladda.
Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay aad uga xumaatay muddo saacado ah oo aynan baraheeda adeegsan malaayiin qof oo ganacsato ay ka mid yihiin.
Shabakadda cilladahan oo kale dabagalka ku sameysa ee Downdetector.com ayaa sheegtay in loo gudbiyay warbixino dhibaatadan la xiriirta oo gaaraya 10.6 milyan kuwaasoo kaga yimid Maraykanka, Colombia ,Singapore iyo si guud dalalka qaaradda Yurub.
Barta Downdetector ayaa cilladdan xalay dhacday ku sheegtay midii ugu waynayd ee abid la soo tabiyo.
Madaxa barta WhatsApp William Cathcart ayaa saaka Twitter-ka ku soo qoray in aaladdan ay si caadi ah u shaqeynayso in kastoo uunan faahfaahin sababta keentay cilladdii saameysay.