KRA oo shaacisay lacag ka badan 2 bilyan oo laga helay canshuur bixiyeyaasha

0
354

Maamulka canshuuraha dalkani Kenya ee KRA ayaa sheegay in dhaqaale gaaraya 1.995 bilyan oo shilinka dalka ah ay kaga soo xarootay shaacinta canshuuraha sida iskooda ah lagu bixiyay muddo sagaal bilood ah oo ku ekeyd 30-kii bishii Sebtembar ee sanadkan.
Tallaabadaan ayaa qayb ka ah dakhliga ka soo baxay barnaamijka maamulkan ee shaacinta aan khasabka ahayn ee canshuuraha ee loo soo gaabiyo VTDP.
Barnaamijkan oo la billaabay bishii koowaad ee sanadkan ayaa canshuur bixiyayaasha fursad u siiyaa inay muddo 36 bilood gudaheed ah ku caddeyaan canshuurta aynan bixin ee lagu leeyahay.
Dhaqaalaha guud ee ay KRA sheegtay inay soo xareysay ayaa laga soo saaray ilaa 390 codsiyo ah.
Sida laga soo xigtay guddoomiyaha guud ee maamulka KRA Githii Mburu , lacagaha ka soo xarooday shaacinta dakhliga ee ikhtiyaariga ah waxay qayb ka tahay bartilmaameedsiga sanadlaha ee 5 bilyan oo lacagta dalka ah.
Waxaa uu xusay in marka la eego qorshihii sanadkan ee ay dejiyeen ay sameyaan horumar wax ku ool ah.
Wuxuu muujiyay sida ay muhiimka u tahay inay ku dhiirrigaliyaan kenyaanka inay u soo baxaan barnaamijkaan oo ay ka faa’iidaystaan si ay canshuurta isaga baxshaan.
Barnaamijka VTDP waxaa lagu soo saaray sharciga maaliyadda ee 2020-ka si uu u noqdo tallaabo lagu xoojinayo u hoggaansanka canshuur bixinta
Kenyaanka si buuxda uga qayb qaata barnaamijkaan sanadkaan ilaa dhamaadka bisha 12-aad ayaa heli doona in boqolkiiba boqol laga cafiyo dhamaan dulsaarka iyo ganaaxyada ay muteysan lahayeen.
Hasa ahaate cafintan ayaa inta u dhexeysa koowda bisha Jannaayo ilaa dhammaadka bisha 12-aad ee sanadka 2022-ka noqon doonto kala bar ama boqolkiiba 50 ,intaasi kadibna waxayn noqon doontaa 25 boqolkiiba inta lagu guda jira sanadka ugu danbeeya barnaamijkaan ee 2023.
Maamulka uruurinta canshuuraha ee KRA ayaa ogaysiisyo u diray canshuur bixiyeyaasha waxaana laga codsaday inay ka qayb qaataan hindisahaan.
Waxaan barnaamijkan ka faa’iidaysanayn keliya kenyaanka horay loogu soo oogay inaysan u hoggaansamin canshuur bixinta.