DHAGEYSO:Madaxa IEBC ee Wajeer oo ka hadlay diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ismaamulkaasi

0
470

Iyadoo maanta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC uu rasmi ah u bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa 37 kun oo codbixiyeyaal cusub ah la filaya in laga diiwaangeliyo dowlad deegaanka Wajeer.
Madaxa IEBC ee laantiisa ismaamulka Wajeer Aadan Harar Nuur oo faahfaahin ka bixiyay diiwaangalintan ayaa sheegay in ay ka dhici doonto ilaa 6 deegaan baarlamaaneed ee ka kooban tahay ismaamulka Wajeer.
Waxaa uu dadweynaha ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan barnaamijkan lagu diiwangalinayo codbixiyeyaal cusub si ay uga qayb qaataan doorashada guud ee sanadka dambe 2022-ka.