Madaxweyne Farmaajo oo u safray Itoobiya iyo ujeedka socdaalkiisa

0
403

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa u amba-baxay dalka Itoobiya.
Waxaa uu ka qayb galaya Caleema saarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad, kaasi oo ay Caleema saarkiisa qayb ka yihiin wufuud iyo madax ka socota dalalka Africa.
Qoraal kasoo baxay Madaxtoyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo goordhaweyd u Safreen magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda u safray magaalada Addis Ababa oo ay uga qeyb geli doonaan xafladda dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya” ayaa lagu yiri Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.
Farmaajo ayaa xariir dhaw waxaa uu la leeyahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmad,waxaana horay uu socdaal ugu tagay dalkaasi Itoobiya.