In ka badan 5 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Kabul

0
512

Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax ka dhacay meel u dhow masjid ku yaalla caasimadda wadanka Afghanistan ee Kabul.
4 ruux oo kale ayay dhaawacyo soo gaareen sida uu sheegay afhayeenka kooxda Taalibaan Zabihullah Mujahid.
Ma jirto cid si degdeg ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ka dhacay magaala madaxda Kabul.
Wararka ayaa intaa ku daraya in la xiray saddex eedeysanayaal oo lala xiriirinaya weerarka.