Dowladda Algeria ayaa lagu soo warramayaa inay diyaaradaha laga leeyahay wadanka Faransiiska ka mamnuucday inay dalkeeda ku soo degaan.
Tallaabada ay ku xiratay hawadeeda ayaa sii xoojinaysa khilaafka labada dhinac.
Waxaa ka horreeyay inay dib ugu yeeratay safiirkii ku matalayay dalka Faransiiska.
Tallaabadan ayay u aaneysay in aan weli la iska fogeyn hadal ay dowladaasi qoonsatay oo loo tiiriyay hoggaamiyaha Faransiiska Emmanuel Macron.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday bayaan galinkii dambe ee shalay ka soo baxay madaxtooyada Algeria.
Safiirka loo yeeray ayay lala yeelan doonaa wada tashi dheeraad ah.
Waxay tani ku soo beegmaysaa iyadoo ay xasaarad ka dhalatay go’aankii dowladda Faransiiska ay ku yeraysay dal ku galka ay siiso muwaadiniinta wadamada Algeria, Morocco iyo Tunisia.
Algeria ayaa ku doodaysa in aan la soo koobi karin dembiyada ay gaysatay dowladda Faransiiska xilligii ay dalkaasi guumeysatay oo ayna u dhigmaan xasuuq.