DHAGEYSO:Raila Odinga oo tagay Garissa kana hadlay xal u helidda dhibaatooyinka halkaasi ka jiro

0
523

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo maanta gaaray ismaamulka Garissa ee gobolka waqooyi bari ayaa halkaasi geeyay ololihiisa siyaasadeed ee sanadka 2022-ka.
Waxaa uu sheegay inuu doonayo in la xalliyo caqabadaha ka jiro gobolka oo ay ka mid yihiin macallimiin yarida , amni darrada , biyo yarida iyo waxyaabaha la midka ah.
Waxaa uu sheegay in Garissa ay tahay iridda laga galo gobolka waqooyi bari sidaas awgeedna la dhameystiri doono dhismaha waddada isku xiraysa ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera.
Mr. Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay inuu ka war qabo saameynta cudurka COVID19 iyo abaarta ay ku yeesheen dowlad deegaankaasi.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in ardayda gobolka fursad loo siiyo barashada culuunta macallinimada si loo buuxiyo gaabadka dhanka barayaasha.

Raila Odinga ayaa sidoo kale ka hadlay baahida loo qabo in warshadda hilibka ee KMC ay xoolaha ka iibsato xoolo dhaqatada.

Sidoo kale waxaa uu dhaliilay xisbiga Jubilee oo uu sheegay inuunan si buuxda u oofin ballanqaadkii ahaa in ardayda la siinayo kombiyuutarrada yaryar si ay ula jaanqaadaan tacliinta casriga ah.