DHAGEYSO:Gaadiidleyda Shabeellada dhexe oo cabasho muujiyay

0
431

Qaar ka mid ah gaadiidleyda ka dhex shaqeeya gobolka Shabeellada dhexe iyo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa maanta waxay dhigeen banaanbax ay kaga cabanayaan isbaarooyin ay sheegeen in la dhigay waddooyinka gobollada Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galgaduud ilaa Mudug.
Mas’uuliyiinta gobolka ayay ku baaqeen in wax lag qabto isbaarooyinka iyo lacago xad dhaaf ah oo laga qaado.

Gadiidlayda oo muddo saddex toddobaad ah shaqo joojin ku dhawaaqay ayaa sheegay in ilaa xal looga helayo isbaarooyinkaan aysan wax shaqo ah bilaabi doonin.