DHAGEYSO:Dhinacyada isku haya Galgaduud oo loogu baaqay inay heshiiyaan

0
333

Qaar ka mid ah bulshada degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa ugu baaqay dhinacyada xiisadda colaadeed ay ku dhex mareyso qaybo ka mid ah gobolka in wada hadal lagu xalliyo tabashooyinka maamulka Galmudug.
Cabdi cadceed oo ka mid ah dhallinyarada wax baratay ee degmada Guriceel ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii xildhibaanada shalay ka hadlay magaalada Dhuusamareeb oo u hadlay si aysan filanaynin sida uu sheegay.
Waxaa uu madaxweyne Qoorqoor iyo Sheekh Shaakir u soo jeediyay in miiska wada hadalka la isla tago halka uu odayaasha deegaanka ku dhaliilay sida ay uga gaabiyeen in ay kala dhex galaan labada dhinac
Waxaa uu khadka taleefoonka ugu warramay wariyaha Star FM ee gobolka Galgaduud Cubeyd Xasan Maxamuud