Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka bariga Mumias ee ismaamulka Kakamega , Benjamin Washiali ayaa sheegay inuu hoos u dhac ku yimid waxqabadka hoggaanka sare ee ururka macallimiinta dalka ee KNUT.
Waxaa uu xusay in hoos u dhaca ay sabab u tahay tallaabadii uu isku casilay xoghayihii guud ee ururkan Wilson Sossion ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay.
Mr.Washiali ayaa carrabka ku dhuftay in Sossion uu si wayn ugu doodi jiray danaha barayaasha dalka taasi oo aan hadda muuqan.
Waxaa uu ku celceliyay in ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT uunan hadda lahayn hoggaan si geesinimo ay ku dheehan tahay ula xisaabtami karo guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Sidoo kale waxaa uu ka soo horjeestay tababarka dheeraadka ee loo sameynaya macallimiinta si loogu guulaysto dhaqangelinta nidaamka cusub ee waxbarashada ee CBC.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Xildhibaanka bariga Mumias oo ka hadlay isbeddelka ku yimid hoggaanka KNUT