Qaar ka mid ah shacabka Guriceel oo barakac sameeyay

0
400

Sida ay sheegayaan Wararka ay warbaahinta Soomaaliya ka qortay gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya shacabka degmada Guriceel ee Gobolkaasi ayaa la soo sheegayaa inay xalay ilaa saaka dad badan ka barakacayaan degmadaas kadib xiisadda dagaal ee u dhaxeeysa Galmudug iyo Ahlusunna oo halkaas ka taagan.
Arintaan ayaa ku soo aadaysa ka dib markii Ciidamada Ahlusunna ay maalinkii Jimcaha si nabad ah kula wareegeen degmadaas.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Xalay ilaa iyo Saaka la lagu arkayay degmada Guriceel dad u badan Haween iyo Carruur barakacaya, kuwaasoo doonaya inay iskaa dheeraadaan hardanka degmadaasi ka jira.
Dad ku sugan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduu dayaa warbaahinta u sheegay inay dareemayaan cabsi ku aadan in gudaha degmada ay ku dagaalamaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ciidamada Ahlusunna sidaasina ay u barakacayaan.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Guriceel ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, hayeeshee Gudaha iyo daafaha Magaalada lagu arkayo Ciidamada taabacsan Ahlusunna oo halkaas ku sugan.
Dhanka Maxamad Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka Ahlusunna Waljaamaca ayaa sheegay inay degaannada Galmudug ugu soo laabteen sidii ay ula dagaalami lahaayeen Ururka Al-Shabaab oo ku sugan meelo badan kamid ah degaannada Maamulkaas