DHAGEYSO:Raila Odinga oo loogu baaqay inuu caddeeyo haddii uu isku soo sharraxayo madaxtinimada dalka

0
449

Ganacsadaha caanka ah Jimmy Wanjigi sidoo kalena doonaya inuu u tartamo xilka madaxweynenimo ee doorashada guud ee sanadka dambe ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.
Waxaa uu sheegay in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka laga doonaya inuu caddeeyo hadii uu u tartamayo jagada hoggaanka ugu sarreya ee dalka ee sannadka 2022-ka.
“Raila ma noqon karo ciyaaryahan, garsoore iyo calan wadee, waa inuu ku dhawaaqaa musharraxnimadiisa si uu u wajaho shakhsiyaadka doonaya inay xisbiga ODM ku matalaan doorashada guud ee soo socoto” ayuu yiri Jimmy Wanjigi.
Mr. Wanjigi ayaa sidoo kale cambaareeyay kuwa ka soo horjeeystay tallaabadii uu asaga xafiisyo uga furay xisbiga ODM gobolka bartamaha dalka.
Waxaa uu xusay in ujeeddada uu arrinkaasi ka leeyahay ay tahay in xisbiga ODM shacbiyad badan halkaasi ku yeesho.
Ganacsadaha ayaa sidoo kale ku adkeystay in uusan ka tagi doonin xsibiga ODM, maadaama uu maalgelin xoog leh ku sameeyay xisbigaasi.
Waxaa uu sheegay inuu filayo in doorashada xisbiga ODM ay noqon doonto mid xor iyo xalaal ah, si loo helo cidda tikidka xisbigaasi ugu tartami doonta hoggaanka sare ee dalka.
Wanjigi oo hadalkan ka jeediyay ismaamulka Mombasa shalay ayaa ku boorriyay hoggaanka ODM inay qabtaan doorashooyin si xsibiga uu u yeesho xubno dhab ah.