Kenyaanka oo looga digay inay adeegsadaan muqalasiin marka ay codsanayaan baasaboorada

0
2662

Waaxda socdaalka ee dalka ayaa Kenyaanka uga digtay ah inay adeegsadaan dilaaliin ama muqalasiin marka ay codsanayaan baasaboorada
Agaasimaha guud ee waaxda socdaalka ee dalka Alexander Muteshi ayaa sheegay in tilmaamaha ay muujinayaan in qaar ka mid ah dadweynaha ay adeegsadaan dilaaliin si ay si dhaqso ah u helaan baasaboorada.
Waxaa uu sheegay in waaxda ay leedahay habab lagu ogaanayo in muwaadinka doonaya inuu qaato baasaboor uu maray nidaamka saxda.
Waxaa uu xusay kuwa nidaamka saxda aan marin baasabooradooda aan la ansixin doonin.
Mr. Muteshi ayaa dhanka kale sheegay in waaxda ay dhigtay miis gaar ah xarunta socdaalka ee dhismaha Nyayo ee magaalada Nairobi si wax looga qabto dadka doonaya in baasaboorada ay dhaqso helaan, oo ay ku jiraan shaqsiyaadka u baahan inay u safraan dibadda si ay daryeel caafimaad u raadsadaan iyo kuwa u baahan inay waxbarasho u aadaan dalka dibaddiisa.
Dhanka kale cidii dooneyso adeegga socdaalka dalka ayaa wici kara nambarka ah 0110922065 ama farriin ku diri karo iimayl-ka info@immigration.go.ke.