Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamarreeb ee Caasimadda Galmudug, iyadaoo halkaasi lagu soo dhaweeyay.
Wafdiga oo ka yimid dhinaca Magaalada Kismaayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee Maamulkaasi.
Sidoo kale waxaa isna Magaalada Dhuusamareeb Maanta gaaray Gudoomiyaha Gobollka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamed Maxamuud Cumar Filish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments