Shirka hogaamiyaasha Soomaalida oo Dhuusamareeb ka furmaya

0
529

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka socda diyaar garoowga furitaanka shirka wadatashiga Madaxda dowladda,Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir.
Waxaa Magaalada Dhuusmareeb ku sugan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleed, Hir-Shabeelle Koonfur Galbeed, Jubbaland & Galmudug oo shirka marti-gelineysa halka uu ku wajahan yahay Madaxweynaha Puntland.
Shirka wadatashiga Madaxda dowladda & Maamul Goboleedyada ee Dhuusamareeb ayaa waxaa looga arinsanayaa xal ka gaarista muranka hareeyay heshiiskii doorashooyinka Soomaaliya ee la gaaray 17-kii Sebteembar ee 2020.
Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in shirka looga hadli doono khilaafka u dhaxeeyay Madaxda dowladda & Maamulada Jubbaland iyo Puntland, kaasoo hakiyay wada-shaqeynta labada dhinac.
Ammanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka iyo xaafadaha qaar lagu arkayaa Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo amniga si weyn u xaqiijinaya.
Xubnaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka ayaa qoraal ay shalay shirka kasoo saareen ayaa waxaa ay ku dalbadeen in la ballaariyo lagana qeyb-geliyo Midowga Musharixiinta ,Ururada Bushada rayidka iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka wallow aan qoraalkooda laga jawaabin.
Shacabka Soomaaliyeed & xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa waxaay isha ku hayaan shirka Magaalada Dhuusamareeb oo la filayo in Go’aan looga gaaro arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here