Xeer ilaaliyaha dalka oo maxkamadda sare geeyay kiis ka dhan ah xukunkii BBI

0
523

Xeer -ilaaliyaha Guud ee dalka Paul Kihara Kariuki ayaa Maxkamadda Sare geeyay kiis ka dhan xukunkii BBi, isagoo doonaya inuu buriyo xukunkii Maxkamadda Rafcaanka ee joojiyay dalabkii wax -ka -beddelka dastuurka dalka iyadoo loo marayo geedi socodka (BBI).
Warqad uu maxkamadda u soo gudbiyay Garyaqaa Ken Ogeto, Xeer -ilaaliyaha Guud ayaa doonaya in maxkamadda sare ee dalka ay meesha ka saarto xukunkii 20 -kii Agosto, wuxuuna ku sababayey toban mowduuc oo ah sababaha racfaanka uga qaadanayo.
Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa sidoo kale doonaya in 7-da garsoore ee uu hoggaamiyo Madaxa Garsoorka Martha Koome ay dib u eegaan xukunka Maxkamadda Rafcaanka ee ku saabsan su’aalaha xasaanadda madaxweynaha iyo kooramka IEBC ee xaqiijinta saxiixyada taageeraya Xeerka Wax-ka-beddelka Dastuurka 2020 .
Maxkamadda ayaa soo saartay amar joogto ah, oo IEBC ka hor istaagaysa inay qabato afti ku saabsan Xeerka Wax -ka -beddelka Dastuurka 2020 (BBI).