Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya la gaarsiiyay tallaalka looga hor tago xanuunka Covid-19.
Deeqdan oo ka kooban 11 ton ayaa isagu jirta daawada ka hortagga COVID-19 iyo Agabka lala isticmaalo ka hortagga cudurka.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha Garoonka Aadan Cabdulle ayaa waxaa ka qeyb galay, Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Siihaayaha Safiirka ahna Qunsulka Masar u fadhiya Soomaaliya, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo horey uga dalbatay deeqdan ururka Jaamacadda Carabta.
Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in daawadani la soo gaarsiiyay xilli dalku uu u baahnaa ugama mahadcelinayaan Jaamacadda Carabta.