Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tallaabo sharciyeed ka qaadayaan ergooyinkii Soomaaliland ee ka qayb galay doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho ee lagu doortay 11 xubnood oo aqalka sare ee Soomaaliya ka tirsan oo ku matalaya gobollada waqooyi ee Soomaaliland.
C/raxmaan Saylici ayaa sheegay inay doorashadaasi ahayd mid aan sax ahan sida uu hadalkiisa u dhigay.
Waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in wakiillada Qm ay goobjoog ka ahaayeen.