Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa warbixin ay soo saartay waxay kaga dayrisay heerka nafaqo darro ee ka jira gobolka waqooyi ee Tigray dalka Itoobiya.
Dhibaatadan ayaa lagu sheegay mid gaartay heer aan horay loo arag.
Saameynta ugu badan ee nafaqo darrada ayaa waxaa wajahaya hooyooyinka uurka leh, kuwa carruurta nuujinaya iyo carruur.
Xafiiska qaramada midoobay ee isku duwidda gargaarka baniaadanimo ee OCHA ayaa sheegay in qiimeyn caafimaad lagu sameeyay ugu yaraan 15,000 oo isugu jiro hooyooyin uur ah iyo kuwo nuujinaya.
In ka badan 12,000 oo tiradan ka mid ah una dhiganta boqolkiiba 79 ayaa la ogaaday inay haysato nafaqo xumo aad u daran.
Sidoo kale tirada carruurta ay da’doodu ka hooseyso 5 sano ee xaaladdan wajahaya ayaa ah boqolkiiba 18.