Lamaane lagu xukumay xabsi daa’in ismaamulka Meru

0
926

Maxkamad ku taalla ismaamulka Meru ayaa ku xukuntay lamaane xabsi daa’in ka dib markii lagu helay dambi ah kala gudbinta daroogada nooca xashiishka.
Garsooraha sare ee maxkamadda Meru Thomas Muraguri Mwangi ayaa James Muthiora iyo xaaskiisa Fridah Karimi xukunkan ku riday.
Lamaanaha ayaa la xiray bishii 11-aad ee sanadkii 2018-kii iyaga iyo saddex qof oo kale oo wax dambi ah lagu waayay.
Waxaa lagu eedeeyey inay si wadajir ah u kala gudbinayeen mandooriyaaha nooca xashiishka oo culeyskiisu uu ahaa 103 kiilogaraam islamarkaana qiimihiisu lagu sheegay 3.09 milyan oo shilinka dalka ah.
Marka laga soo tago xukunka xabsi daa’inka waxay sidoo kale lamaanaha maxkamadda u soo bandhigtay xabsi 5 sano ah ama bixinta ganaax lacageed oo dhan 4.6 milyan oo shilin maadaama ay siteen agab loo adeegsado sameynta daroogada tani oo liddi ku ah xeerarka wadanka.
Qareenka difaacayay lamaanaha ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda uu yahay mid adag oo xad dhaaf ah marka loo eego caddeymaha la horkeenay garsooraha.