Guddoomiyaha baarlamaanka oo hakiyay dhageysiga dacwad ka dhan ah manhajka CBC

0
405

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr.Justin Muturi ayaa si ku meel gaar ah u joojiyay in guddiga qaabilsan arrimaha waxbarashada uu tixgeliyo cabasho uga timid ururka waalidiinta dalka oo ay uga soo horjeedaan dhaqangelinta manhajka cusub ee tacliinta ee CBC.
Muturi ayaa tallaabadan u aaneeyay in kiis arrinkan la xiriira uu weli maxkamadda hor yaallo.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in cabashada baarlamaanka la hor dhigay oo laga doodo ay saameyn ku yeelan karto natiijada dacwad ay maxkamadda gaystay haweeney lagu magacaabo Esther Angawa.
Tani iyo markii ay wasaaradda waxbarashada ee dalka billowday dhaqangelinta nidaamka cusub ee tacliinta waxaa jiray dhinacyo badan oo cabasho ka muujinaya.
Hasa ahaate wasiirka wasaaradda tacliinta ee Kenya Prof. George Magoha ayaa si cad u sheegay in marnaba aan laga laaban doonin qorshaha oo ciddii ka soo horjeeda ay iskaga difaacayaan hannaanka sharciga ee dalka u degsan.