DHAGEYSO:Xubnihii dhimanaa ee gobolada Waqooyi oo la wada doortay

0
391

Waxaa maanta xaruntii hore ee ciidamada cirka Soomaaliya Afisiyooni ee Magalada Muqdisho lagu qabtay doorashada Shan kursi oo ka harsaneyd 11 kursi oo Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ka soo galayay aqalka Sare.
Kursiga koowaad ee doorashadii Maanta ayaa waxaa ku tartami lahaa Siciid Cabdi Xasan iyo Jaamac Cabdilaahi Maxamed, balse Jaamac Cabdullaahi ayaa tanaasulay, waxaana cod gacan taag ah ugu codeeyeen 42 Ergo oo goobta fadhiday Saciid Cabdi Xasan, majirin qof diiday ama ka aamusay.
Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Muno Cumar Xasan iyo Naciima Xasan Xaaji Maxamuud, waxaana kursigaas kusoo baxay Naciima Xasan Xaaji Maxamuud oo heshay codad gaaraya 30 Cod halka Muno Cumar Xasan oo kursigaan horay ugu fadhiday afartii sano ee la soo dhaafay ay heshay 13 Cod.
Kursiga Saddexaad doorashadii Maanta ayaa waxaa ku tartami lahaa Axmed Maxamed Siciid oo kursigan horay ugu fadhiyay, balse tanaasulay & Xasan Cabdi Gaas oo goobta doorashada aan tegin, waxaana kursiga kusoo baxay Sanoter Cabdirisaaq Axmed Cali.
Kursiga Afaraad ayaa waxaa ku tartami lahaa Baashe Maxamed Ismaaciil & Abwaan Axmed Ibraahin Maxamed (Qorane) , balse Baashe Maxamed Ismaaciil ayaa tanaasulay, waxana kursigan ku guuleystay Abwaan Axmed Ibraahin Maxamed (Qorane).
Kursiga ugu dambeeya ee doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ka soo galaya ee Maanta la doortay ayaa waxaa ku tartami lahaa Deeqa Xasan Xuseen & Hodan Abokor Xasan, balse waxaa kursiga ku guuleystay Deeqa Xasan Xuseen kadib markii ay tanaasushay inantii kale ee la tartamaysay.
Maanta waxaa guud ahaan lasoo geba-gabeeyay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ka soo galayay Gobolada Waqooyi, waxaana maalmaha soo soca bilaaban doona doorashada Xubnaha Aqalka Sare uga harsan maamul Goboleedyada qaarkood maadaama uu sidaa dhawaan dalbaday ra’isulwasaaraha Soomaaliya si loo gudo galo doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka fedraalka.
Gudoomiyaha gudga doorashooyinka gobolada waqooyi ayaa faahfaahin ka bixiyay doorashada maanta la soo gabagabeeyay wuxuuna Xusay inay dhawaan gudagalayaan doorashada xubnaha golaha shacabka ee ka soo galaya gobolada waqoooyi.
Isagoo u mahadceliyay cidkasta oo qayb ku lahayd doorashadaan wuxuuna sheegay inay shaqo badan oo adag la soo qabtay.

dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeey Shanta kursi ee Xildhibaannada Aqalka Sare, ee Maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale hambalyo iyo ammaan u jeediyay ergooyinkii wax doortay iyo guddiyada doorashada ee sida hufan ee xilkasnimada leh ee ay doorashada u maamuleen.
Xubnaha maanta la doortay ayaa kala ah
1. Saciid Cabdi Xasan
2. Naciimo Xasan Xaaji
3. Axmed Maxamed Saciid
4. Axmed Ibraahim Maxamed
5. Deeqa Xasan Xuseen