Maxkamada ciidamada Soomaaliya oo xukun ku riday askari qof shacab ah dilay

0
479

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun ku riday Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska oo degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir ku dilay qof Shacab ahaa.
Askariga oo lagu Magacaabo Dable Booliis Maxamed Cabdi Jaamac Joof ayaa agagaarka Isgoyska Ceel-Gaabta qeybta degmada Xamar Jajab waxaa uu 22-kii bishii June ee Sanadkan xilli habeen ah ku dilay Marxuum Yaxye Cabdi Casiis Maxamed oo Shacab ahaa.
Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay inuu qofka shacabka u dilay dhac uu u geysanayay, isagoo Saddex xabadood madaxa kaga dhuftay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Dable Boolis Maxamed Cabdi Jaamac Joof lagu xukumay dil toogashaa oo ah qisaasta dilay Marxuum Yaxye Cabdi Casiis Maxamed.
Goobta xukunka lagula ridayay askariga ka tirsana Ciidamada Booliska Soomaaliya waxaa ku sugna ehellada askariga, Ehellada Marxuumka la dilay iyo saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.