Saraakiisha ammaanka ee dalka Ecuador ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda ugu yaraan 100 maxaabiis ah ay dhinteen ka dib qalalaase saameeyay xabsi ku yaalla wadankaasi.
Rabshadaha ayaa la sheegay inay ka dhasheen iskudhac dhex maray kooxo iska soo horjeeda.
Dhaawaca ayaa gaaraya 52 waxaana tani lagu tilmaamay mid ka mid ah dhacdooyinka khasaaraha nafeed sababo ee laga soo tabiyo xabsiyada dalkaasi oo aad loo buux dhaafiyay.
Xabsiga lagu dhex dagaalamay ayaa ku yaalla magaala xeebeedka Guayaquil oo in ka badan 400 oo kiiloomitir dhanka koonfur galbeed kaga beegan caasimadda dalkaasi ee Quito.
In kastoo xaaladda la dejiyay waxaa hadda socdo baaritaano dhacdadaasi ku aaddan.