Wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka ayaa ka soo horjeesatay baaqyo loo jeediyay oo ah in dib loo eego qiimaha noocyada kala duwan ee shidaalka ee dhawaan la kordhiyay.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaraddan Julius Muia ayaa guddiga maaliyadda ee baarlamaanka u sheegay in tallaabadaasi ay caqabad ku noqonaysa uruurinta dakhliga ka soo xaroodo canshuurta.
Waxaa uu sidoo kale xusay in hadii qiimaha cusub dib loo eego ay jiri doonto caqabad dhanka miisaaniyadda qaran.
Mas’uulkan ayaa sheegay inay u baahan yihiin muddo hal bil ah oo ay wada tashi kula sameyn karaan saamileyda batroolka iyo tamarta.