Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka oo taageero u fidineyso dadka ay abaartu saameysay ee ismaamuullada Kilifi iyo Tana River

0
495

Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa lagu wadaa in inay bilowdo barnaamij lacag caddaan ah oo la siinayo in ka badan 750 qoys oo ay abaarta si xun u saameysay oo ku nool deegaanka hoose Ganze oo ka tirsan ismaamulka Kilifi.
Waxaa ololahan ka faa’iideysanaya dadka waayeelka ah ee aan ku jirin barnaamijka ay dowladda dhexe ku taageerto dadka da’ada ah.
Sidoo kale waxaa barnaamijkan ka faa’iideysan doono hooyooyinka haysto carruurta ay da’adooda ka hooseyso saddex sano.
Waxaa uuna qoys walbo heli doono min 5500 oo shillinka dalka ah.
Waxaa dhanka kale ismaamulka Tana River ay hay’adda Lanqayrta cunto siin doonta 500 oo qoys.
Madaxa hay’adda Laanqayrta Cas ee gobolka Xeebta ee dalka Xasan Muusa ayaa sheegay inay horay u siiyeen raashin gargaar ah 1000 qoys oo ku nool kaynta Boni.
Waxaa uu xusay in ka badan 75,000 oo qoys oo tiradoodu tahay 350,000 oo qof oo ku nool gobolka Xeebta ay saameeysay abaarta ku dhufatay qaybo ka mid ah wadanka.
Waxaa uu sheegay in ololaha lacagaha caddanka lagu siinayo dadka abaarta waxyeelo u gaysatay ee ismaamulka Kilifi kuwa ka faa’iideysanaya tiradooda aad u yartay madaama 145,000 oo qof ay abaartu ku saameysay gobolkaasi.
Waxaa uu shaaca ka qaaday inay bartilmaameedsanayaan kuwa ugu nugul oo ay ku jiraan hooyooyinka uurka leh, kuwa haysta carruurta ka yar shan sano iyo waayeelka.
Mr. Muusa ayaa dowladda ku amaanay ku dhawaaqidda in abaarta ay tahay musiibo qaran, islamarkaana ay soo saartay dhaqaale lagula tacaalaya.
Waxaa uu sheegay in musiibada abaarta ay sanadkan aad u darneyd marka la barabardhigo sanadihii hore taas oo uu aaneeyay saamaynta isbeddelka cimillada iyo aafada cudurka Covid19.
Muusa ayaa sheegay in gudaha ismaamulka Lamu ay abaartu saameysay 20,500 qof , Kwale 165,000, iyo Tana River 107,000 kuwaas oo dhammaan hoos tago gobolka xeebta isagoo tilmaamay in tirada ay intaa ka badan karto.
Waxaa uu ugu dambeyntii sheegay in ismaamulka Kilifi ay ku dhinteen 6,000 oo xoolo ah oo isku jiro lo’ iyo ari halka Tana River ay ku naafwaayeen 3000.