Guddoomiyaha golaha suuq gaynta xoolaha nool ee dalka kana mid ah waxgaradka gobolka waqooyi bari Dubat Cali Cameey ayaa bulshada muslimiinta ah ugu baaqay in ay iskaga gargaaraan saameynta ka dhalatay abaarta.
Waxaa uu soo jeediyay in cid kasta ay caawiso qofka awood dhaqaale ahaan ka liita oo aan la isku halleyn keliya taageerada dowladda dhexe , ismaamullada iyo hay’adaha.
Dubat ayaa tilmaamay in dhanka kale muslimiinta laga doonayo inay Alle bari sameyaan oo ayna ka tanaasulaan dhibaatooyinka dhexdooda ka jiro oo ay ka mid tahay caddaalad darrada
Sidoo kale waxaa uu ku taliyay in culimada ay degmooyinka kala duwan ka soo dhisaan guddiyo qaabilsan howlaha gurmadka ee ka dhanka ah abaarta.