Yaa kusoo baxay kursiga labaad ee aqalka sare ee gobollada waqooyi?

0
382

Waxaa weli Xarunta teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ka socota doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi ee Soomaliland, waxaana la doortay kursiga labaad.
Kursiga labaad ee doorashad ayaa waxaa ku tartamay Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaliya Saalax Axmad Jaamac & Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan, waxana kusoo baxay Saalax Axmad Jaamac.
Wasiirka Dastuurka Soomaliya Saalax Axmed Jaamac oo kursiga Aqalka Sare ku guleystay ayaa waxaa uu helay 29 Cod halka Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare uu helay 12.
Goordhow ayaa waxaa billaabnayesa doorashada Kursiga Saddexaad ee Aqalka Sare, kaas oo ay ku tartamayaan, Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, Prof. Cabdi Ismaacil Samatar & Cabdiraxmaan Cismaan Cali.