Xubnaha aqalka sare ee gobollada waqooyi Soomaaliland oo maanta qaar la dooranayo

0
496

Waxaa lagu wadaa in manata xaruntii hore ee ciidamada cirka Soomaaliya Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada lix kursi oo kamid ah kuraasta aqalka Sare ee Soomaaliya ka soo galaya Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland.
Guddiga Maamulaya doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi ayaa shaaciyay Magacyada musharrixiinta lixda kursi ee Maanta la dooranayo, iyadoo ay codeeynayaan Ergooyin la soo xulay.
Saddex kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi ayaa aad u adag, waxaana ku tartamaya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladda Soomaaliya.
Lixda kursi Aqalka Sare ee Maantaa filayo in la doorto ayaa waxaa u sharaxan rag iyo dumar, kuwaasoo xalay sameeyay ololahooda doorashada, waxaana Magacyadooda ay kala yiihn.
1.Cabdi Xaashi Cabdilaahi
2 Siciid Cumar Xuseen
1.Saalax Axmad Jaamac
2.Ibraahim lidle Saleebaan
1. Prof. Maxamad Maxamuud Allabari
2. Prof. Cabdi Ismaacil Samatar.
3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali
1. Cismaan Abuukar Dubbe
2. Cabdikariim Maxamad Xasan.
1. Layla Axmad Ismaaciil
2. Maxamad Maxamuud Cabdi.
1. Bilaal Idiris Cabdilaahi
2. Saynab Axmad Boqore.
Ammaanka xerada Afiiyooni oo ay ka sdhaceyso doorashada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku sugan Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee loo xjlsaaray amniga doorashooyinka