Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmad Jaamac oo Maanta jeedinayay khudbadiisa musharraxnimo ee aqalka Sare ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.
Waxaa uu sheegay Wasiirka in Matalaada Reer Somaliland ee Aqalka sare laga siiyay 11 kursi in ay ku yartahay oo aysan ku filneyn.
Waxaa uu intaa ku daray in Dadka reer Somaliland ay dhibaato ku qabaan helitaanka baasaboorada caafimaadka oo ay ku safraan marka dibadda ay aadayaan.
Hadalka Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmad Jaamac ayaa kusoo aadaya xilli Somaliland ay weli aaminsan tahay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.
Home Wararka Soomaaliya Wasiir Saalax “Dadka reer Somaliland waxay dhibaato ku qabaan helitaanka baasaboorada”