Golaha ay xubnaha ka yihiin madaxda diimaha ee loo xilsaaray inuu bulshada ka wacyigeliyo halista cudurka COVID-19 ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in nasiib darro ay tahay inay kordheen isku soo baxyada siyaasadeed iyadoo uu weli caabuqa jiro.
Guddoomiyaha golahan Anthony Muheria ayaa xusay in siyaasiyiinta aynan u hoggaansamin amarkii uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku mamnuucay kulamada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani ay caqabad ku tahay dadaallada ay wasaaradda caafimaadka ku xakamaynayso faafitaanka cudurka.
Mr. Muheria ayaa kenyaanka ugu baaqay in aynan ka qayb gelin isku soo baxyada siyaasadeed maadaama sida uu sheegay aan la ilaalin xeerarka lagula dagaalamaya caabuqa oo ay ka mid tahay kala fogaanshaha dadka.
Gole-diimeedka isku dhafka ah ayaa madaxda siyaasadeed ku boorriyay inay la yimaadaan siyaabo kale oo ay ku xoojin karaan musharraxnimadooda ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Waxaa uu u soo jeediyay inay mudnaanta koowaad siiyaan xaqiijinta badqabka shacabka.