Waxaa goor dhaweyd si toos ah u billaabatay Hadal jedinta xubnaha Aqalka sare ku matalaya Gobollada Waqooyi ee Somaliland.
Hadal jeedinta oo ka dhacaysa Afisyooni ayaa waxaa ka qayb galaya 25 Musharrax oo ku tartami doona 11 ka kursi ee Somaliland, waxaana sidoo kale hoolka ku sugan Mas’uuliyiin kala duwan oo uu ugu horreeyo Rw Rooble iyo xubno kale.
Sidoo kale waxaa ku sugan Afisyooni Guddiga doorashooyinka, iyadoo Ra’iisul wasaare Rooble uu furay Munaasabadda Hadal jeedinta ah.
Waxaa uu Rooble sheegay in loo baahan yahay in doorashada Xubnaha aqalka sare ee Somaliland ay noqoto mid caddaalad ku dhisan, isagoo intaa ku daray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u billaaban doonto dorashada Xildhibaannda Aqalka hoose.
Home Wararka Soomaaliya Hadal jedinta xubnaha aqalka sare ku matalaya gobollada waqooyi ee Somaliland oo...