William Ruto oo sheegay in siyaasiyiinta UDA si caddaalad ah loo kala xulan doono

0
403

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in isreeb-reebka lagu kala xulanaya musharraxiinta xisbiga UDA uu noqon doono mid loo wajaho si ay caddaalad ku dheehan tahay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in kalsoonida lagu qabi karo geeddisocodkan uu yahay mid aan cidna loogu daneynayn balse dhammaan xubnaha xisbigu ay xaq u leeyihiin.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa xusay in la joogo xilligii ay dalka ka jiri lahayd fursad la xiriirta dimuqraadiyadda siyaasadda.
William Ruto ayaa arrinkan ka hadlay ka dib kulan uu la qaatay musharraxiin ka soo jeedo ismaamullada Narok, Kajiado iyo Nakuru oo doonaya in sanadka 2022-ka ay qabtaan qaar ka mid ah xilalka hoggaanka ee bulshada loogu adeego.