Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa beesha caalamka u soo jeediyay inay diiradda saarto la tacaalidda xanuunka duumada in kastoo uu weli jiro cudurka faafaya ee COVID-19.
Hoggaamiyaha dalka ayaa ah guddoomiyaha ururka ay ku mideysan yihiin madaxda qaaradda Afrika ee wax ka qabashada malaariyada ee loo yaqaano (ALMA).
Mr. Kenyatta ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xakameynta faafitaanka caabuqa uu hoos u dhigay dadaaladii lagu bixiyay la tacaalidda xanuunka duumada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in madaxda ay u muuqadaan kuwo hilmaamay khatarta cudurrada kale sida duumada ay ku hayaan shacabka ku nool qaaradda Afrika.