DHAGEYSO:Ajakis oo lagu aasay Muqdisho

0
558

Alle ha u naxariiste waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay majaajiliiste Cabdi muriidi Dheere oo ku magacdheeraa Ajakis.
Waxaa aaskiisa oo ka dhacay qubuurta iskool booliisiyo ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madax.
Qaar ka mid ah dadkii ay aad isugu dhawayeen Ajakis iyo eheladiisa oo warbaahinta la hadlay ayaa Alle uga baryay inuu geeyo jannatul firdowsa inta uu ka baxayna uu ugu deeqo Samir iyo iimaan dheeraad ah.

Dhanka kale agaasimaha warfaafinta iyo xiriirka bulshada ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamad Xaashi ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyska Ajakis iyo si guud bulshada Soomaaliyeed.