Wasiiradda arrimaha dibadda oo ka qayb gashay shirka isbeddelka cimillada

0
503

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkani Kenya Ambasadoor Raychelle Omamo ayaa maanta ka qayb gashay shir looga hadlayay la tacaalidda isbeddelka ku yimaada cimillada.
Kulanka ayaa lagu qabtay qaabka fogaan-aragga ee loo yaqaano Virtual.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ayaa shirkan ku tilmaantay mid heer sare ah.
Waxaa loogu magacday shirka amniga iyo isbeddelka cimillada ee #BerlinClimateandSecurity ee sanadka 2021-ka.
Ambasadoor Omamo ayaa kulanka ka sheegtay in isbeddelka ku yimaada cimillada uu yahay khatar ku sii kordhaysa gobolka.
Waxay intaasi ku dartay in caqabaddan ay sare u sii qaaddo dhibaatooyinka kale sida saboolnimada sidaas awgeedna loo baahan yahay in hal meel ah looga soo wada jeesto la tacaaliddeeda.