Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar si ku meel gaar ah loogu joojinaya tallaabada dhawaan lagu kordhiyay qiimaha noocyada kala duwan ee shidaalka.
Maamulka canshuuraha dalka ee KRA ayaa laga hor istaagay inuu soo rogo canshuur dheeraad oo arrinkan ku aaddan.
Waxaa amarkan soo saaray garsoore James Makau ka dib dacwad ay gudbiyeen shakhsiyaadka kala ah Isaiah Odando iyo Wilson Yata oo toddobaadkii hore maxkamadda tagay
Maamulka KRA ayaa qorsheynayay in laga billaabo Jimcada oo ku beegan koowada bisha Tobnaad ee sanadkan uu badeecooyinka shidaalka saaro canshuur dheeraad ah isagoo adeegsanaya qiimaha cusub.