DHAGEYSO:Afhayeenka dowladda oo saxafiyiinta ugu baaqay in si sax ah u tabiyaan wararka la xiriira doorashooyinka ee 2022-ka

0
468

Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa sheegay in warbaahinnada dalka looga baahan yahay in si dhab ah u soo tabiyaan wararka ku saabsan doorashooyinka maadaama ay awood u lee yihiin in ay ogaadan macluumaadka goobaha cod bixinta iyo si loo yareeyo khilaafyada ka imaan kara isqabqabsiga siyaasadeed.
Mar uu maanta magaalada Kisumu ee gobolka Nyanza ku la hadlay saamilayda warbaahinta ayuu ku boorriyay in ay mas’uuliyad iska saaraan wararka ay baahinayaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo nabadda uu dalka hadda ku naaloonayo oo ay warbaahinta qayb ka tahay

Dhanka kale madaxa fulinta ee golaha warbaahinta dalka ee MCK David Omwoyo ayaa ku baaqay in la xoojiyo tababarrada la siinayo saxafiyiinta si loo hubiyo inay si xirfad leh u tebiyaan hannaanka iyo wararka la xiriira doorashooyinka