DHAGEYSO:Dadka la nool cudurka AIDS-ka ee Garissa oo ka cabanaya faquuq

0
1084

Waxaa sare u kacay dadka la nool cudurka HIV/AIDs-ka ee ismaamulka Garissa.
Boqolkiiba 60 ayuu ku kordhismay heerka xanuunka AIDs-ka ee dowlad deegaankaasi
Dadka la nool cudurkan ee Garissa oo u badan dhallinyaro ayaa da’doodu lagu qiyaasay inta u dhexeysa 15 ilaa 25 sano.
Qaar ka mid ah dadka qaba AIDs-ka ayaa sheegaya inay bulshada kala kulmayaan faquuq iyo naceyb loo qaadayo.
Tani ayaa keentay inay walwal xaga nolosha ah soo wajahdo dadka qaba fayraska.
Mid ka mid ah dadka qaba cudurka ayaa warbaahinta uga warbixisay dhibaatada ay bulshada kala kulanto

Sare u kaca cudurka AIDs-ka ee Garissa ayaa loo sababeeyay wacyigalin la’aan bulshada ee ka dhanka ah cudurkan.