Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Madaxweyne Farmajao oo guddoomiyay kulan hor dhac u ah shirka Dhuusamareeb

DHAGEYSO:Madaxweyne Farmajao oo guddoomiyay kulan hor dhac u ah shirka Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xalay Wuxuu Magaalada Dhuusamareeb ku guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Maamul-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-kii Sebteembar ee sanadkii Hore ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Maamul-goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyoMadaxweynha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.
Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer Maamul-goboleed ee loo qaaday hirgelinta doorashooyinka Qaranka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Madaxda heer Federaal iyo heer Maamul-goboleed ee Xalay ay wada qaateen kulankaan horu dhaca ah dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta dowladnimada iyo adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Gelinka dambe ee Maanta oo Talaado ah ayaa la filayaa in Magalada Dhuusamareeb uu ka furmo shirka wadatashiga Madaxda dowladda, Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir , oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.
Magaalada Dhuusmareeb ayaa waxaa xalay ku hoyday MadaxweynAHA Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda saddexda dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed & Galmudug oo shirka marti-gelinaysa, halka Madaxweynayaasha Maamulada Puntland,Jubbaland & gudoomiyaha Gobolka Banaadir ay Maanta tegayaan Magaalada Dhuusamareeb.
Shirka wadatashiga Madaxda dowladda dhexe & Maamul Goboleedyada ee Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadli doonaa xal ka gaarista muranka hareeyay heshiiskii doorashooyinka ee la gaaray 17-kii Sebteembar ee 2020.
Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa waxaay sheegayaan in shirka looga hadli doono khilaafka u dhaxeeyay Madaxda dowladdadhexe & Maamulada Jubbaland iyo Puntland, kaasoo hakiyay wada-shaqeynta labada dhinac.
Sidoo kale waxaa jiri doona kulamo gooni gooni ah oo ay yeelan doonaan Hogaamiyeyaasha dhuusmaareeb ku sugan si ay uga wada hadlaan xaaladda guud ee dallka Soomaaliya.
Shirka wadatashiga Madaxda dowladda ,Maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan hadii heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka si xal loogu helo khilaafkaku hor gudban hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadkaan 2021-ka.
Dr Xassan Sh Cali oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa dhankiisa ka hadlay arrimaha ugu Muhiimsan ee shirka Dhuusamareeb ka furmayo laga filan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments