Alle ha u naxariistee waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Majaajiliistihii Caanka ahaa ee Cabdi Muriidi Dheere oo loo yaqaanay ( Ajakis), kaas oo malmihii la soo dhaafay ku xanuun sanayay Magaalada Muqdisho.
Maamulka Tv-ga Universal Xaruntiisa Magalada Muqdisho oo uu kamid ahaa howl-wadeenadiisa ayaa xaqiijiyay geerida Ajakis, kaas oo xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Cabdi muriidi dheere ( Ajakis) ayaa, isaga oo ku sugan Hooygiisa waxaa toddobadkii hore kusoo booday xanuun dhanka Sambabada ah, kaas oo ugu dambeyn Maanta u geeriyooday.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin magac ku leh dalkaasi ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Majaajiliistihii Caanka ahaa ee Cabdi Muriidi Dheere oo loo yaqaanay ( Ajakis).