Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Dad ku dhintay shil gaari oo ka dhacay duleedka Garoowe

Dad ku dhintay shil gaari oo ka dhacay duleedka Garoowe

Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan inuu halkaas ka dhacay Shil Gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac ,wuxuuna si gaar ah uga dhacay Shilku laamiga u dhaxeeya Magaalada Garoowe & tuulada Sinujiif, gaar ahaan Halka loo yaqaan Barde-dawaco, oo qiyaastiii 26km dhanka bari kaga beegan Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal sidoo kalena ah Caasimada Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari nooca raaxada ah ee loo yaqaano Market 2 kadib markii mid kamid ah lugihiisa ay u baxday sida ay wararku sheegayana, waxaana inta la xaqiijiyay shilkaas ku geeriyooday laba Ruux oo mid kamid ah haweeneey tahay halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.
Ciidamo ka tirsan Booliska Maamulka Puntland iyo dadka tuulada Sinujiif ayaa gurmad u sameeyay dadka ku waxyeeloobay shilkaasi, kuwaaoo dhaawacooda la geeyay isbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad ugu batay deegaanada Maamulka Puntland shilalka Gawaarida, waxaana shilalkii ugu badnaa ay ka dhaceen wadada u dhaxeeysa Magaalooyinka Garoowe iyo Qardho ee Gobolada Bari iyo Nugaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments