Ra’iisul wasaaraha dalka Mali Choguel Kokalla Maiga ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee AFP ku sheegay in dib loo dhigi karo doorashada madaxtinimo iyo midda baarlamaanka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in codeynta ay dhacdo horraanta sanadka soo socdo balse ra’iisul wasaaraha Mali ayaa sheegaya in bilooyin dib loo sii dhigi karo.
Waxaa uu ku celceliyay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo sida natiijada ka soo baxdo doorashada ay ku noqon karto mid lagu kalsoon yahay ka hor inta aan la guda gelin.