Baaritaan ku aaddan sida maxaabiis ay uga baxsadeen xabsiga Nanyuki oo la billaabay

0
471

Waxaa la guda galay baaritaan la xiriira sida ay ku suurtagashay in xabsiga magaalada Nanyuki ee ismaamulka Laikipia ay ka baxsadeen 14 maxaabiis ah oo markii dambe siddeed ka mid ah la soo qabtay xabsigana dib loogu celiyay
Tani ayaa timid ka dib markii uu maanta halkaasi socdaal ku tagay guddoomiyaha guud ee waaxda asluubta dalka Wycliffe Ogallo.
Guddoomiyaha ayaa dadweynaha ka codsaday in cid kasta oo haysa xogta 6-da maxaabiis ee baxsadka ah ay laamaha ammaanka ku soo wargeliso.
Mas’uulkan ayaa dhanka kale sheegay in shakhsiyaadka ka cararay saldhigga Nanyuki ee weli la raadinaya ay khatar ku yihiin bulshada.
Mr. Ogallo ayaa dhanka kale maxaabiista ku jiro xabsiyada uga digay inay isku dayaan baxsasho maadaama taasi ay ku noqonayso dembi kale.
Waxaa uu ku boorriyay inay u hoggaansamaan sharciga oo ay ku sugnaadaan goobaha lagu hayo.