Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi, maamulka dhaqaalaha ku baxaya, xareynta ergooyinka, amniga iyo hufnaanta doorashada.
Kadib markii uu shirka soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee xildhibaanada gobollada waqooyi ee Somaliland Khadar Xariir Xuseen.
Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa taliska booliska soomaaliyeed, AMISOM iyo guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi kala hadlay sugidda amniga doorashooyinka aqalka sare ee gobollada somaliland oo ka dhacaysa Muqdisho sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.