Wararka naga soo gaaraya daanta galbeed ayaa sheegaya in ciidamada Israa’iil ay halkaas ku dileen afar qof oo u dhashay wadanka Falastiin ka dib iska hor imaad dhacay.
Dadkan ayaa lagu dilay weerarro milateri oo ay fuliyeen ciidamada Isra’iil oo laga gaystay magaalooyinka Jeniin iyo Qudus.
Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Falastiin, Maxamad Hleil, ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Al Jazeera dilka saddex qof oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo ka yimid tuulada Biddu ee ku taalla waqooyi galbeed Qudus.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Israa’iil ay dileen qof deggan tuulada Burqin ee koonfur-galbeed ee magaalada Jenin, kaas oo magaciisa lagu sheegay Osama Soboh oo 22 jir ahaa.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Israa’iil, laba askari oo ka tirsan ciidamadooda ayaa la sheegay inuu dhaawac halis ah soo gaaray intii ay socdeen iska horimaadyada hubeysan.
Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in weerarrada ciidankeeda ay fuliyeen uu ujeedkiisu ahaa in lagu soo qabto mas’uuliyiin ka tirsan kooxda Xamaas.
Bishii la soo dhaafay, ciidamada Israa’iil ayaa xerada qaxootiga Jenin ku dilay afar qof oo Falastiiniyiin ah intii lagu jiray howlgal horseeday iska hor imaad hubeysan.